Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex ruux ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay, kadib markii qarax lala beegsaday  gaari nooca raaxad ah o marayay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso, ayaa la kacay gaari LandCruiser ah oo halkaas marayay, inkastoo aan weli la xaqiijin cidda qaraxa lagu beegsanayay.

Laamaha Booliiska iyo danbi baarista dowladda oo goobta tegay, ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku wadaan dhacdadaan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, islamarkaana faahfaahin buuxda lama helin.

PUNTLAND POST

The post Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this