Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawir silloon oo Dood badan dhalaiyey oo laga qaaday Madaxweyne hore & kan haatan ee Maraykanka & labadooda Xaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Sawir silloon oo laga qaaday Madaxweyne hore & kan haatan ee Maraykanka & labadooda Xaas

Madaxweyne hore iyo mid haatan talada haya: Biden iyo afadiisa oo gurigooda Georgia ku booqday Carter iyo afadiisa.
Madaxweyne hore iyo mid haatan talada haya: Biden iyo afadiisa oo gurigooda Georgia ku booqday Carter iyo afadiisa.

Sawirkan silloonka ah ee laga qaaday madaxweynaha haatan ee Maraykanka oo booqasho ugu tagay madaxweynihii 39-aad ee Maraykanka ayaa buuq ka abuuray baraha bulshada.

Sawirku wuxuu muujinayaa Joe Bidhen iyo afadiisa Jill oo shiiqiyey madaxweynihii hore Jimmy Carter iyo marwadii koobaad ee hore Rosalynn Carter, waxaana todobaadkii hore lagaga qaaday gurigooda oo ku yaal magaalada Plains ee gobolka Georgia.

In kasta oo Biden in yar ka dheer yahay Cartar, hadana waxa sawirka ka muuqda inuu yahay muuqaal wax laga bedelay waxaana arintaas u sabab ah xagasha ballaadhan ee laga qaaday sawirka, ayuu yidhi tifaftiraha sawirada BBC ee Phil Coomes.

Waa farsamo indho-sarcaad ah oo ay sawirqaadayaashu adeegsadaan si ay sawir u qaadaan, laakiin sida haatan ka muuqata sawirkan farsamadaasi mararka qaarkood waxay samayn kartaa in sawirka la dhalan gediyi karo.

Muuqaalka farsamadaa loo adeegsaday waxa uga sii daray in Carter dib u fadhiyo, halka Biden uu jilbo joogo Rosalynn ageeda.

Natiijadii ayaa dhalisay qosol iyo maadaysi ka socda baraha bulshada dhexdooda.

Jimmy Carter haatan waa 96 jir waana madaxweynaha ugu cimri dheer taariikhda madaxdii Maraykanka, afadiisa Rosalynn iyadna waa 93 jir. Sidoo kale Cartar waa madaxweyne ka soo baxay xisbiga Dimuqraadiga sida Biden oo kale.

Jimmy iyo Rosalynn Carter oo ay daba fadhido Jill Biden waxa sawirkan la qaaday 2018 iyaga oo jooga aaskii madaxweyne George HW Bush
Jimmy iyo Rosalynn Carter oo ay daba fadhido Jill Biden waxa sawirkan la qaaday 2018 iyaga oo jooga aaskii madaxweyne George HW Bush

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this