Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Midowga oo ku baaqay in la beddelo hoggaanka Ciidamada dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa soo dhoweeyay go’aanka madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisul wasaare Rooble ugu wareejiyay hoggaaminta arrimaha hirgelinta doorashadooyinka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Murashixiinta, ayaa lagu soo dhoweeyay la wareegidda Ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyay in xukuumaddu xilka qaadis ku samayso hoggaanka ciidamada, si loo abuuro kalsooni, maadaama ciidamadu ay ku kala qayb-sameen xiisaddii ka dhalatay mudda kordhintii fashilantay.

Midowga.jpg?resize=518%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Golaha Midowga oo ku baaqay in la beddelo hoggaanka Ciidamada dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this