Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la qaatay Laamaha Garsoorka koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
1-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha fowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarunta Madaxtooyadda kulan kula qaatay Hay”addaha kala duwan ee garsoorka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa warbixin guud ka dhegaystay sida ay ugu shaqeeyaan bulshada reer koonfur galbeed waxaa shirka qeyb ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare koonfur galbeed Mudane Dr Axmed Cali Muuse iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda cadaaladda Kgs Mudane Cabduwahaab Cabduulahi iyo dhamaan Hay”addaha Garsoorka Koonfur galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa kulankan is xogwareysiga ku amaanay labadii sano ee ugu dambeysay adeegyada garsoorka iyo sida ay u qaataan go’aamadda dhabta ah, Sidoo kale wuxuu madaxweynaha uu la wadaagay in sida ugu dhaqsiyaha badan laga hirgelin doono garsooryaasha degmooyinka dhiman si bulshada ay u haleen adeeg garsoor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Hay”addaha Garsoorka kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii bulshada reer koonfur galbeed loogu cadaalad fali lahaa ayna cadaalad dhab u helaan taas oo ay sababeyso in bulshada ay ku dhiiradaan garsooorka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la qaatay Laamaha Garsoorka koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this