Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Wiil Oo Soomaali Ah Oo Walaalkood Uu Toogasho Ku Dilay, Dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Nin Soomaali ahaa ayaa habeenkii Jimcaha magaalada Kansas City ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka ku dilay laba wiil oo walaalihiis ahaa, xilli ay kasoo laabteen salaadda taraawiixda, sida ay sheegeen booliska.

Qoysaska iyo booliiska ayaa labada wiil ee la dilay ku kala sheegay Abdiwahid Abdulaziz oo 16 jir ahaa iyo Abdirahman Abdulaziz oo 14 jir ahaa. Qoyska ayaa sheegay inay ahaayeen walaalaha ka yar Hanad.

Booliska ayaa laga wacay xaafad ku dhow waddooyinka East 8th Street iyo Olive Street, abaare 11:00 pm ee habeenkii Jimcaha laguna wargeliyey inay toogasho dhacday, sida uu sheegay afhayeenka Booliska Kansas City, Capt. Dave Jackson

Markii ay goobta yimaadeen waxay arkeen meydadka labada wiil oo ay xabado ku yaallaan, islamarkaana yaalla dibedda apartment ay deganaayeen.

Booliska ayaa sheegay in dilka lagu tuhmayo eedeysane lagu magacaabo Hanad Abdiaziz, oo 25 jir ah. Habeenkii Sabtida ee xalay ayaa is-rasaaseyn dhex-martay booliska, waxaa lagu dilay nin hubeysan, oo loo malaynayo inuu yahay Hanad, hase yeeshee booliska weli ma shaacin magaca, ayaga oo sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan

Labada wiil ayaa ahaa kuwa aad looga jeclaa bulshada Soomaalida, ayaga oo ahaa xaafidul qur’aan salaadaha taraawiixda ka tukin jiray Masjidka Al-Taqwa ee Kansas City.

Qoyska dhibanayaasha ayaa sheegay in Hanad uu sidoo kale u hanjabay xubno kale oo ehelka ah. waxay intaas ku dareen inay hadda is qaarinayaan ayaga oo noloshooda u cabsanaya, sababtoo ah weli ma cadda in ninka ay booliska dileen uu Hanad yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this