Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro laga soo ururiyey Daafaha Dunida Bisha Ramadaan+Saameynta Covid 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Malaayiin Muslimiin ah ayaa u gudo galay bisha soon waxayna ku soo dhaweeyaan Soon iyo Salaadd iyo cibaadooyin kale.

Muslimin tukanaya salaadda Taraawiixda
Muslimiin ku tukanaya salaadda Taraawiixda masaajid ku yaalla magaalada Washington, ee dalka Mareykanka

Dunida Muslimka ayaa laga Soomayaa iyadoo sannadkii labaad uu caalamka ka jiro fayaraska karoona oo xanibay waxyaabo badan oo ay ahayd in ay sameeyaan dadka Sooman ee Muslimiinta ah ee la xiriira cibaadada bishaan lagu wajaho.

Soonku waa cibbaado bulshada Muslimiinta ah u horseeda degganaansho iyo Alle u dhawaansho sidoo kale dadka waxay dareemaan caafimaad maadama uu qofku Soomanyahay maalintii oo dhan.

Sawiradaan ayaa ah kuwo muujinaya sida ay Muslimiinta dunidu u soomayaa bishaan Ramadaan ee bilowga ah.

Waa qaar ka mud ah Muslimiinta dalka Indonesia
Waa qaar ka mud ah Muslimiinta dalka Indonesia

Bishaan barakeysan ee Ramadaan waa bil khayr badan oo ay is caawiyaan dadka Muslimiinta ah. Dadka dhaqaalaha haysta waxay bixiyaan sadaqo badan oo ay siiyaan dadka masaakiinta ah ee aan wax haysanin.

Masaajid iyo calaamado kale oo muujinaya soo dhaweynta bisha khayrka
Sida shacabka magaalada Gaza ay u soo dhoweeyaan bisha barakeysan ee Ramadan.

Soonku waa tiirka afraad, ee shanta tiir ee islaamka, waana waajib saaran qof kasta oo Muslim ah oo qaan gaar ah ee caafimaad ahaan awooda inuu soomo.

Qofka wuxuu ka soomayaa cuntada, cabitaanka iyo galmada iyo wax kasta oo soonka buriya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaraayo qoraxda marka ay dhacdo.

Sawirradan waxaa laga soo qaaday dalka Ciraaq
Waa dalka Ciraaq iyo sida bisha Soon looga soo dhoweeyay.
Dad ku dabaalanaya xeeb
Dadkaan ka muuqda sawirrada waxay ku dabaal degayaan dalka Indonesia waana hab dhaqan u ah oo ay ku soo dhaweynayaan bisha Ramadaan

Maadaama ay kala duwanyihiin wakhtiyada qaaradaha, bulsho walba Soonku wuxuu u bilowdaa wakhti, sidaas si la mid ahna waxaa la afuraa wakhtiyo kala duwan.

Shaqaale buufinaya Masaajid
Halkaan waa Masaajid ku yaalla gudaha dalka Pakistaan oo la buufinayo si looga taxadaro faraska karona

Waxaa dhaqan u ah bulshada Muslimiinta ah, marka la gaaro bishaan Soon, in dadka ay wadaagaan cuntooyinka oo qoysaska ay afur u sameeyaan dad badan, kuwaas oo hal meel cuntada kuwada cuna.

Balse hadda arrintaasi way adagtahay sababtoo ah waxaa jira xayiraadaha fayraska karoona oo aan saamaxeynin in dad badan hal meel la isugu keeno.

Waxaa lagu magacaabaa Masaajidkaan Ramazan
Masaajid ku yaalla Washington
Waxay dadku tukanayaan iyagoo xiran af-xirka ama face mask
Waa Muslimiin tukanaya Salaadda Taraawiixda
Worshippers praying in a mosque

Worshippers praying in a mosque

Dalka Imaaraadka wuxuu dadka ugu baaqay in ay kala fogaadaan isla markaana aaney isku imaan oo aaney wadaagin cuntooyinka, si looga dheeraado faafitaanka cudurka karona.

Laba dhalinyaro ah
Waa wiilal da’yar oo aqrinaya Qur’aanka Kariimka ah gudaha Masaajid ku yaalla dalka Indonesia
Araday isku jameecaysanaya Salaadda
Waa araday ku tukanaya Masaajid ku yaalla Indonesia

Dalka Bangladesh, dowladda ayaa ku dhawaaqday in hal toddobaad ay soo rogtay xayiraado adag oo si rasmi ah u dhaqangalay shalay, 14-kii April.

Dad badan oo ku sugan suuq khudaarta lagu iibiyo, halkaani waa dalka Bangladesh
Dad badan oo ku sugan suuq khudaarta lagu iibiyo, halkaani waa dalka Bangladesh
Dad ku dabaal dagaya wadooyinka
Dad u dabaal dagaya bisha khayrka ee Ramadaan iyo magaalada qadiimiga ah ee Mosil ee dalka Ciraaq
Children dance around a lantern in the old town of Iraq's northern city of Mosul

Caruur sawirro isaga qaadaya bannaaka magaalada Mosil ee dalka Ciraaq
Carruur sawirro isaga qaadaya bannaaka magaalada Mosil ee dalka Ciraaq
Ninkaan oo ku sugan gurgiisa ayaa waxaa uu aqrinayaa Qur'aanka kariimka ah
Ninkaan dhallinyarada ah ee ku sugan gurgiisa waxaa uu aqrinayaa Qur’aanka kariimka ah
A worshipper reads the Koran at his house

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this