Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Magaalo ee ay ku nool yihiin Bilyaneerada ugu badan caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Labada Magaalo ee ay ku nool yihiin Bilyaneerada ugu badan caalamka

beijing.jpg
 

Magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha ayaa imika ah magaalada ay ku nool yihiin bilyaneerada ugu badan caalamka, sida ay qortay jariiradda Forbes’ oo soo saarta liiska sanadlaha ah ee bilyaneerada caalamka.

Magaalada Beijing sandkan waxaa tirada dadka bilyaneerada ah ku darsantay 33 bilyaneer.

Tirada bilyan-neerada ku nool caasimadad Shiinaha ee Beijing ayaa imika ah 100 bilyaneer.

Waxay magaaladan si dirqi ah uga guuleysatay magaalada New York, oo bilyaneerada ku nool lagu sheegay 99 bilyaneer.

Magaalada New York ayaa 7-dii sano u dambeysay ahayd magaalada bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin.

Shiinaha oo si degdeg ah u xakameeyay feyriska Corona, shirkadaheeda tiknoolajiyada oo sii kobcaya iyo suuqyadeeda saamiyada ayaa gacan ka geystay korarka bilyaneerada dalkaasi.

Inkastoo Beijing ay ku nool yihiin bilyanerada ugu badan caalamka ayaa hadana waxaa wali bilyaneerada New York ay ka lacag badan yihiin marka la isku daro kuwa ku nool Beijing.

Ganacsadaha ugu taajirsan magaalada Beijing’ ayaa waxaa lagu magacaabo Zhang Yiming.

Zhang Yiming ayaa ah ninka asaasay shirkadda muuqaalada ee TikTok.

Yiming waxaa hantidiisa lagu sheegay in ay gaarayso $35.6 bilyan.

Maalqabeenka ugu taajirsan magaalada New York Michael Bloomberg, ayaa waxaa hantiisu ay gaaraysaa $59 bilyan.

17 saacadood-ba bilyaneer

Waxaa liiska bilyaneerada caalamka sanadkii aanu so dhaafnay ku soo biiray 493 qof.

Arrintan ayaa micnaheedu tahay in 17 saacadod-ba uu hal bilyaneer ku soo biirayay sida ay shaacisay jariiradda, Forbes.

Dalka Hindiya ayaa kaalinta saddaxad soo galay oo noqday dalka bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin.

Waxa dalka Hindiya ku nool guud ahaan 140 bilyaneer.

Jeff Bezos, oo ah asaasaha iyo madaxa shirkadda Amazon, ayaa wali ah ninka ugu taajirsan oo ugu maal badan caalamka.

Hantidiisa ayaa waxa lagu sheegay in ay sii kobceysay oo ay imika gaartay $64bn to

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this