Dhagax-Tuur

Caasimada online: new low

Recommended Posts

Quote

Xog: Qiimaha hubka la kala siisto ee Muqdisho oo sare kac uu ku yimid + Sababta

By Caasimada Online 

April 6, 2021

 

in Warar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilihii u dambeeyay la dareemayay sarre u-kac balaadhan oo ku yimid qiimaha magaalada Muqdisho la kala siisto hubka noocyadiisa kala duwan, xili ay xaalada dalka kasii dareyso.

Hubka uu sarre u-kaca ku yimid ayaa waxaa kamid ah qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47, waxaana dhamaantood hadda lagu iibiya qiimihii hore labo jibaarkeeda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Suuqyada hubka ee loo yaqaano ‘Cir-toogte’ ayaa waxaa labadii bilood ee u dambeeyay saa’id loogu kala iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, tan iyo intii uu sii xoogeystay khilaafka doorashada dalka.

Sidoo kale sarre u kaca hubka ayaa loo sababeeynaya xaaladda ka jirtay gobolka Gedo, oo ay dowladda federaalka muddooyinkii dambe u daabuleysay hub kala duwan.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in dhinacyada u badan ee iibsanayay hubka ay kamid ahaayeen Musharaxiinta mucaaridka oo ayagu aad isku hubeynayey, kadib weeraradii kala duwan ee dowladda waqtigeedu dhamaaday ku qaaday 19-kii Febraayo iyo iska hor-imaadyadii u dambeeyay.

Xiisada u dhaxeysa Madaxda u sareeysa dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ayaa waxay kasii dartay markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada siyaasad ee dalka ayaa mareysa meeshii u sareysay, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana aysan jirin heshiis ama is-faham guud oo laga gaaray hanaanka doorashada dalka, mana cada halka ay wax sal dhigan doonaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caasimada waa the new Dayniile. Waxee kala garan la yihiin, like the rest of rotten qabyaaladists, dalka iyo shaqsiga. Dalka waxee moodaan shaqsi kaliya inuu leeyahay. Same warped thinking that destroyed our country after Maxamed Siyaad Barre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.