Sign in to follow this  
Deeq A.

  Qarax ismiidaamina oo  gilgilay Muqdisho+Khasaare Dhimasho & Dhaawac

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax culcus oo  gilgilay Muqdisho +Khasaare Dhimasho & Dhaawac
 202143637530643825439806.jpg

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saaray khasaraaha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay maqaayad ku taala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa laga maqlay jugtiisa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in qaraxa dhacay uu fuliyay ruux isku soo xidhay Jaakada waxyaabaha qarxa ah, kaasoo isku qarxiyay goob makhaayad ah oo  Shaahaha lagu  cabo oo ku taala xaafada seddaxda geed gaar ahaan agagaarka Saldhiga degmada Shangaani ee magalada Muqdisho.

Taliska Booliiska ayaa xaqiijiyay in qaraxa Caawa aay ku dhinteen dad gaadhaya 6 ruux oo afar ka mid ah dhalinyaro ahayeen iyo wiil Saqiir ah iyo waliba ruuxii is qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo la geeyay goobaha Caafimaadka.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaaha laga cabo oo dhaliyarada isugu timaado,khasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho, 4 dhalinyaro ah hal wiil oo saqiir ah iyo naftii haligihii, iyo dhaawaca 4 kale oo shacab ahaa, oo aan waxba galabsan ayay argagixisadu weerartay” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska Soomaaliya kasoo baxay.

Goobta qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan milateriga  Soomaaliya kuwaas oo xidhay aaga uu ka dhacay qaraxii Caawa gilgilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this