Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ka hadhay Qoys ay xasuuqeen wiilal walaalo ah oo magaalo dhan Qabuuro ka dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin oo ka hadhay Qoys ay xasuuqeen wiilal walaalo ah oo magaalo dhan Qabuuro ka dhigay

Abdel Manaam Mahmoud buries his brother Esmail
Abdel Manaam Mahmoud wuxuu aasayaa meydka walaalkiis, inkastoo uusan hubin in qofkaas uu walaalkiis yahay

Abdel Manaam Mahmoud waa qofka ugu kaliya ee rag ah ee kasoo haray qoyskiisa, isaga ayayna mas’uuliyad ka saarneyd inuu soo aaso meydka walaalkiis Esmail. Hase yeeshee waxaa suuragal ah in qofka uu maanta aasayay uusan ahayn walaalkiis.

Waxaa ku hareereysan qaar ka mid ah ragga daggan magaalada Tarhuna, kuwaas oo ku caawinayay qodista qabriga iyo ciidda cas dib loogu rogo.

Meel u dhow qabrigaas, Mr Mahmoud aabbihiis, Hussin, walaalkiis Nuri iyo adeerkiis Mohamed ayaa sidoo kale lagu aasay – dhammaantoodna waxay ku dhinteen dagaalka sokeeye ee Liibiya.

Xubnaha ka dhintay qoyskaas oo idil waxaa dilay hal koox oo burcad ah oo magaaladooda maamulayay.

Fursadda loo helay raadinta meydadka iyo aasitaankooda waxay timid kaddib markii xabad joojin laga sameeyay dagaalka Liibiya sanadkii lasoo dhaafay. Tan iyo 2011-kii markii la afgambiyay Mucamar Qadaafi, waddanka Liibiya wuxuu ku jiray qalalaase, markii dmabena isu baddalay dagaal sokeeye.

Dagaalkaas wuxuu gaaray ilaa heer sannadihii ugu dambeeyay uu Gen Khalifa Haftar, oo hadda ah 77 jir, weerar kasoo qaado magaalada bariga dalkaas ee Benghazi iskuna dayo inuu xilka ka tuuro dowladda ay Beesha Caalamka taageerto ee uu fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

Wuxuu hoggaamiye kooxeedkan heystay awoodo badan oo garab taagnaa sida: Imaaraadka Carabta, Masar, Suuriya, Urdun iyo sidoo kale Faransiiska. Weerarkiisii qorsheysnaa ee uu ku qaaday Tripoli wuxuu fashilmay kaddib markii uu Turkiga soo diray ciidamadiisa badda iyo diyaarado nooca uusan duuliyaha saarneyn oo difaacayay dowladda Liibiya.

Qalalaasahan waxaa barbar socday kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka socda Suuriya, oo badankood taageersan dowladda, dusha sarena ay ka maamulayaan Turkiga.

Janaraal Haftar qudhiisa wuxuu heystay hubkiisa gaarka ah – oo uu ka helayay Ruushka iyo dadaalyahanno ka socda Suudaan iyo Chad.

Xabad joojinta ayaa fursad siisay in la aruuriyo meydadkii muddada dheer waddooyinka iyo xaafadaha daadsanaa.

Waxay ahayd xabad joojintii ugu horreysay ee Liibiya laga gaaro muddo toban sano gudaheed ah, iyadoo dalkana ay ka jirtay dowlad aan lagu mideysneyn.

Isbaddalka ka dhacay Liibiya

Markii ugu horreysay Liibiya waxaa hadda laga yagleeyay dowlad loo dhan yahay. Ra’iisul Wasaaraha dalkaa, Abdul Hamid Dbeibah, waa ganacsade taajir ah oo kasoo jeeda magaalada xarunta ganacsi ah ee Misrata. Inkastoo qoyskiisu ay qaraabo dhow yihiin Mucamar Qadaafi, haddana wax badan lagama yaqaanno Ra’iisul Wasaaraha cusub, siyaasad ahaan.

“Ma uusan ahayn nin si gaar ah loo neceb yahay,” ayuu yidhi diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan Tripoli, isagoo sharraxayay hannaankii ay Qaramada Midoobay taageereysay ee lagu xushay xulatay Mr Dbeibah oo hoggaaminaya dowladda ku meel gaarka ah.

Sagaal bilood gudahood ayaa la filayaa in ay qabsoomaan doorashooyin guud oo ka dhaca dalka Liibiya, taasoo ku beegmeysa maalinta xorriyadda dalkaas ee 24-ka bisha December, laakiin durbaba waxaa la muujinayaa shaki badan.

“Waa waqti aad ciriiri u ah, laakiin lama odhan karo suuragal ma aha. Dabcan mar kale waxay tallaabadaas billaabeysaa hayadihii dowladda Liibiya,” ayuu yidhi Jan Kubis, oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan waddankaas.

Magaalada ay qabuuraha ku bateen

Magaalada Tarhuna waxay ahayd goobta laga soo abaabulayay weerarka dhinaca galbeed looga qaadayay magaalada Tripoli, si looga saaro dowladda ay beesha caalamka taageereysay.

Halkaas waxaa tagay xoogagga uu aasaasay Janaraal Kahliifa ee kasoo duulay dhinaca bari. Ciidamo calooshood u shaqeysteyaal ah oo Ruush ah ayaa sidoo kale garab siinayay.

Kani brothers prison
Wiilasha walaala ah ee qoyska Kani ayaa in muddo ah xukumayay magaalada

Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Quentin Sommerville ayaa booqday magaalada Tarhuna dib loogu aasayo dadkii ku dhintay dagaal socday sannado.

Maalinta uu wariyaha tagay magaalada, waxaa qabuuraha lagu aasayay 13 meyd oo hor leh.

Markii aaska lasoo dhammeeyay kaddib, Mr Mahmoud wuxuu yidhi: “Qoyskeyga waxay ka kaxeysteen guryahooda. Waxay ahaayeen dad shacab ah. Bishii October, 2020, maleyshiyada al-Kani ayaa yimid guryahooda iyagoo wata gawaari ay dowladda leedahay, waxay kaxeeyeen, wayna wada dileen.”

Muddo 10 bilood ah ayuu raadinayay xubnaha qoyskiisa, isagoo xanuun iyo murugo badan dareemayay. Markii ugu horreysay meydadka Hussin, Nuri iyo Mohamed ayaa la helay. Labo bilood ka horna waxaa la helay meydka Esmail.

“Xitaa 42-kii sano ee uu xukunka heystay Qadaafi waligeed ma dhicin in dilalka ay heerkaas gaaraan. Haddaan nahay shacabka Liibiya, ma jirto cid na difaaceysa, nolosheenna waxay noqotay mid aan la ilaalineynin,” ayuu yidhi Mr Mahmoud.

Mahmoud walaalkiis meydkiisa waxaa laga qaaday dhacaanka Hidda-sidaha ee DNA-ga, si loo baaro loona xaqiijiyo. Qaar badan oo ka mid ah meydadka waxaa dib loogu soo qufay si loo ogaado aqoonsigooda oo mar kale loo aaso. Ilaa hadda waxaa jira dad aan la ogeyn in ay nool yihiin iyo in la dilay toona.

 

Esmail Mahmoud's marker bears a DNA number: 051-000066
Meydka Esmail Mahmoud waxaa lagu ogaan doonaa DNA

Qaar ka mid ah meydadka waxay u muuqdaan dagaalyahanno dhalinyaro ah oo ku dhintay isku dhacyadii xagaagii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Tarhuna, markaasoo dagaalka sokeeye ee Liibiya ka socda uu marayay sanadkii sagaalaad.

Laakiin in badan oo ka mid ah meydadka shacabka – oo ay ku jiraan haween iyo carruur yaryar oo qaarkood ay shan sano jir yihiin – waxaa ka muuqda in jirkooda la jarjaray.

Wiilasha walaalaha ah iyo Libaaxyadooda

Ma sahlana in si buuxda loo helo sheekooyinka ku saabsan raggan walaalaha ah oo magacyadooda ay kala yihiin: Abdul-Khaliq, Mohammed, Muammar, Abdul-Rahim, Mohsen, Ali iyo Abdul-Adhim.

Waxay caan ku ahaayeen saddex libaax oo ay soo xadeen kaddibna carbisteen ayaa xukumayay magaalada, waxayna fal dambiyeedyo badan geysteen iyagoo adeegsanaya ciidamo ay sameysteen.

Maamulkoodii wuxuu burburay bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, kaddib markii ay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya Turkiga la wareegeen magaalada. Turkiga ayaa soo diray toddobo markab oo ay ka buuxaan ciidamada badda, waxayna xeebaha Liibiya ka soo billaabeen howlgal ay kula dagaallamayeen xoogagga ka amar qaata Janaraal Hafter.

Waxay sidoo kale dalka soo galiyeen kumannaan dagaal yahan oo laga soo qaaday magaalada Xalab ee gobolka Idlib, Suuriya iyo Deir Ezzor, kuwaasoo ka dagaallamayay dhulka.

Saddex ka mid ah raggii walaalaha ahaa ee qoyska Kani uu ka billowday way dhinteen. Markii ay xaaladdu xumaatay, xubnihii kasoo haray wiilashii walaalaha ahaa ee Kani waxay u carareen dhinaca bari ee dalka, lamana oga halka ay ku sugan yihiin.

Qabuuro badan oo halkaas ku yaalla waxay astaan u yihiin ficilladii ay sameeyeen kooxda argagixineysay bulshada, oo muddo siddeed sano ah magaaladaas ka geysaneysay tacaddiyo, waana qoys deegaanka kasoo jeeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this