Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yeman Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Joojinta Duqeymaha Ay Ka Wadaa Gudaha Dalka Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Hadal ka soo baxay Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto waxa ay ku baaqeen inay Ciiddanka Sacuudiga ka baxaan gudaha Yemen, si ay iyagana u joojiyaan duqeymaha iyo Darooniska ay la beegsadaan magaalooyinka iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

Maxamed Cali Al-xuuti oo xubin ka ah Guddiga Sare ee Siyaasada ee Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay hore Imaaraadka uga joojiyeen duqeymaha, kadib markii ay Ciiddankooda kala baxeen gudaha Yemen.

Imaaraadka waxa ay Ciidankooda kala baxeen Yemen, wax yar kadib markii uu Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta, Cabdimaalik Xuuti uu farriin u diray Madaxda Imaaraadka inay Ciiddankooda kala baxaan Yemen, si ay iyagana u joojiyaan duqeymihii ay la beegsan jireen

“Haddii ay Sacuudiga ku dhawaaqaan inay Ciiddankooda la bixi doonaan, sida ay Imaaraadka u sameeyeen inay markaasi joojin doonaan Beegsigooda” ayuu yidhi Maxamed Cali Xuuti oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Dowladda Imaaraadka waxay u dhega-nuglaadeen Fariintaasi, iyagoo Ciiddankooda si rasmi ahaan ugala baxay Yemen, isla markaana ay joojiyeen Beegsigooda Kooxdaasi.

Qoraal uu Maxamed Cali Al-xuuti soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Dowladda Sacuudiga ugu nasteexeeyey inay Ciiddankooda kala baxaan gudaha Yemen, si ay uga badbaadaan Duqeymaha iyo Darooniska ay la beegsadaan gudaha Sacuudiga.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Joe Biden waxa uu ku dhawaaqay inay joojiyeen Taageerada Loojistikada ee ay hore u siin jireen Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee Hawlgalladda duqeymaha ka fuliya gudaha Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this