Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Sannadkaan Doorashada Kula Tartamaya Geelle?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in 9-ka bisha April ee sannadkaan 2021 ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalkaas, iyada oo dhawaan si rasmi ah u furmayo ololaha doorashadaas.

Diyaar-garowga doorashada ayaa si weyn uga socda Jabuuti, waxaana doorashada toddobaadyo kadib ka dhaceysa dalkaas, waxaana ku tartamaya Madaxweynaha tallada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharax kale oo saaxada ku cusub.

Liiska tartamayaasha ayaa waxa soo gudbiyay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana ugu dambeyn saxeexaya Madaxweynaha tallada haya, waxayna u dhigan yihiin sidan;

1-Ismaaciil Cumar Geelle: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Murashaxa Xisbiga PRP

2-Sakariye Ismaaciil: oo ah Murashax madax bannaan sida ku xusan Sooyaalkiisa.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynihii labaad ee Taariikhda Jamhuuriyadda Jabuuti soo maray tan iyo xornimadii Gumeystihii Faranasiiska oo haatan laga joogo muddo dhan 44-sano, kala badh waxaa hoggaanka u haya Madaxweyne Geelle.

Geelle ayaa ku dooda inta badan inuu horumar balaadhan ka sameeyay Jabuuti tan iyo intii uu tallada hayay, wuxuuna dhowr jeer kalsooni ka muujiyay doorashada inuu kusoo bixi doono maadama horumar, waxqabad iyo hoggaan wanaag uu ka sameeyay Jabuuti Muddada 22-sano uu xilka hayo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa badanaa lagu eedeeya in aanu diyaar u ahayn inuu wareejiyo tallada dalka, islamarkaana uu sameeyo doorasho gacan ku rimis ah oo indhaha iskaga jeediyo bulshada, wallow uu iska fogeeyay eedeymahaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this