Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhoorre: Deni waxaan ka diiday Lacag Laaluush ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhoore.png?resize=521%2C303&ssl=1

Ex xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoorre, oo xalay wareysi siiyay Radio Daljir ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu laaluush ku soo baxay doorashadiisi.

Mr Dhoorre ayaa arrintan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd, haddii uu isagu laaluush ku qaatay codkiisa wakhtigii doorashada Puntland.

Wuxu sheegay in laba murashax oo Deni ku jiro ay isaga u soo bandhigeen lacag laaluush ah, si uu codkiisa u siiyo, balse uu iska diiday lacagtaas.

Sidoo kale, wuxu caddeeyay in uu codkiisa siiyay murashax Asad Cismaan Diyaano, taasina uu Deni ku colaadiyay oo markii dambe Baarlamankaba ka saaray.

Waxa xusid mudan, in Dhoorre uu kamid ahaa 8 xildhibaan oo Baarlamanka Puntland laga saaray 3-dii December 2020.

PUNTLAND POST

The post Dhoorre: Deni waxaan ka diiday Lacag Laaluush ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this