Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo soo xidhay shirweynihii 5aad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA).

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo soo xidhay shirweynihii 5aad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA).

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/03/2021, si rasmi ah u soo xidhay shirweynihii Ururka Qareenada Somaliland, oo labadii cisho ee u danbeeyay shir uga socday magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qayb galeen garyaqaano ka kala yimid dhammaan gobolada dalka.

Guddoomiyaha oo madasha shirka soo gunaanaday ayaa xusay caqabadaha Ururka ku gadaaman iyo sida looga bixi karo, waxaanu hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in Ururku lahaado qaab-dhismeed dhaxal-gala si jiilba jiil ugu dhiibo. Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay hoggaankii hore ee SOLLA sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen, halka uu hoggaanka cusubna u rajeeyay in ay si fiican u wada shaqayn doonaan. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu bogaadiyay gabdhaha muddooyinkii u danbeeyay ku soo biirayay Ururka qareenada, kuwaasi oo saddex ka mid ahi ka mid noqdeen boodhka cusub ee Ururka. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu tibaaxay in aannu jirin duulaan hay’adda garsoorka kaga socda Ururka Qareenada waxaanu yidhi “Ma jirto duullaan ama wax dagaal ah oo hay’adda Garsoorka kaga socda ama qorshaysan ururrada qareenada ama garyaqaanada ma jirto, anoo afkii Garsoorka ku hadlaya waxaan aaminsanahay in qareenku yahay rukun lagama maarmaan ah oo hay’adda Garsoorka ka mid ah”. Ugu danbayn waxa uu garyaqaanada u soo jeediyay in aanay si barbar yaacin ee ay nidaamsanaadaan, oo si nidaamka waafaqsan arrimahooda u dhamaystaan.

Halkan riix si aad muuqaalka uga bogato.

https://fb.watch/4anhKJBooT/

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this