Sign in to follow this  
Deeq A.

“Igamana Suurtowdo Inaan Qof Aan Kamid Ahayn Ardayda Dhigata Jaamacada Aan Ku Daro Kuwa Qalin Jabinaya Cidda Uu Doono Ha Ahaado, Lacagta Uu Doono Ha Haysto…” Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Mayirka Berbera Uu Ka Qalin Jabinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Jaamacada Golis Faraceeda Magaalada Berbera Xil Naasir Cali Shire ayaa Waxba kamo Jiraan ku tilmaamay Wararka sheegaya inuu Mayirka degmada Berbera ka mid yahay Ardayda ka qalin Jabinaysa maalinta beri ah kuuliyadaha kala duwan Ee jaamacadaasi.

Xildhibaan Naasir Xaaji shire oo u waramay Weriye Axmed Siciid Maxamed ayaa yidhi
“Arrinkaasi Baraha bulshada la Wareejinayo wax ka jiraa ma jiraan , aniguna waxaan ahayn qof qiyam leh igamana suurtowdo inaan qof aan kamid ahayn Ardayda dhigata Jaamacada aan ku Daro kuwa qalin Jabinaya Cidda uu doono ha ahaado, lacagta uu doono ha haysto” Gudoomiyaha Jaamaacada Golis Berbera Nasir Xaji Cali shire

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this