Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda India oo daawada COVID-19 ugu deeqday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda India ayaa shaacisay in daawada loo isticmaalo ka hortaga cudurka Karaano ay u soo daabushay Dalka Soomaaliya, si looga guuleysto cudurka oo u muuqda mid soo laba kacleeyay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka India, S Jaishankar ayaa sheegay in Dowladiisu ka go’an tahay garab istaaga Soomaaliya, si looga guuleysto cudurka Karoona.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu Wasiirka ku sheegay in daawada cudurka Karoona oo ah mid lagu sameeyay dalkiisa loo soo qaaday Dalka Soomaaliya.

Balse Wasiirka ma uusan sheegin cadadda daawo ee ay ugu yabooheen Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Indian sidoo kale ay daawo u daabushay ilaa 25 Dal, kuwaasi oo uu cudurku fara ba’an ku hayo.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan waxaa deeq caafimaad oo ay ku jiraan mashiinada neefta siiya bukaanada ka heshay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda WHO, si Xukuumadda Muqdisho looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah Cudurka COVID-19.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in cudurka Karoona uu sameeyay laba kacleyn, taasi oo mecnaheedu yahay in dad badan ay haatan la xanuunsan yihiin, kuwa kalena ay u geeriyoodeen.

Madaxda Dalka ugu sareysa ayaa inta badan ka dalbada Shacabka Soomaaliyeed in ay raacaan tallooyinka caafimaad si looga baaqsado faafitaanka cudurka Karoona, kaasi oo helis ku haya nolosha Shacabka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this