Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Beesha Caalamka oo aqbalay Dalabkii Deni iyo Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ay Howlwadeenada Puntlandi.con helayaan, Isniinta waxaa la isugu imaanayaa Magaalada Muqdisho, Shirkuna wuxuuna dhacayaa Xareed Xalane.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Qoraaladiisa ay Xalay soo saareen waxay ku gacan sayreen Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey waxayna ku macneeyeen in Shirarka uu ku baaqayo Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey ay Carqaladeynayaan Geedi socodka socda oo wadada loogu xaarayo Doorasho Dalka ka fhacda.

Labadaan Masuul waxay muujiyeen inaysan shir unimaanayn Villa Soomaaliya, balse ay aqbalayaan oo qura hadii Shirka lagu qabanayo goob nabdoon sida Garoonka Diyaaradaha ama Xalane, aakhirkiina Beesha Caalamku Way ticgaliyeen Codsigaan, waxayna dhowaan ku dhawaaqayaan Shir la isugu imaanayo Bilowga Todobaadka soo socda kasoo ka dhici doona Xalane.

Warar kale oo aan helayno waxay sheegayaan in Mucaaradku ay taageereen soo jeedinta Deni iyo Axmed Madoobe oo ay iyagu xitaa Beesha Caalamka ku cadaadiyeen in Shirka lagu qabto goob ka Madaxbanaan Qolada hada Xilku ka dhamaadey.

Isla warar kale waxay sheegayaan in Villa Soomaaliya ay maanta Xiriir la sameeyeen Beesha Caalamka iyagoo oo ka codsanaya Beesha Caalamka in hadii Shirka lagu qabanayo Xalane ay aqbalayaan oo qura hadii la fuliyo hal arin, arinkasoo ah in Casumaada Shirka ay Xukuumadu u dirto Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada.

Codsigaan waa mid ay Villa Soomaaliya Madaxa Ciida uga ceshanayaan maadaama uu Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey uu laba jeer oo hore uu ku guul daraystay in la isugu yimaado Muqdisho, labadaas jeerna waxaa diiday Jubbaland iyo Puntland,

Dhinaca kalena waxaa jira warar sheegaya in Raysal wasaaruhu uu si hoose ula shaqaynayo Mucaaradka , uuna wado dadaalo ka dhan ah Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey.

Puntlandi.com Garowe

B5773234-AB4C-41BA-84DA-AA3A65A98BCC-800

The post Breaking News— Beesha Caalamka oo aqbalay Dalabkii Deni iyo Madoobe appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this