Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Uu Ku Dhacay COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegaya in laga helay cudurka COVID-19

Wasiirka ayaa hadalkan u sheegay telefiishanka dawladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inuu ku sugan yahay dalka Burundi, oo uu kaga qaybgalayey shir, halkaasi oo uu sheegay in aanu ka bixin degaanka uu ku sugan yahay.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayey in cudurka COVID-19 uu aad ugu faafay Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ayna caqli keenayn in la yidhaahdi dibadbax ha la isku yimaado, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Mas’uuliyiinta mucaaradka ayaa sheegay inay qabanayaan bannaanbax cusub maalinta Jimacaha ee toddobaadkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this