Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis Nabadeed oo laga gaaray Colaaddii degmada Isku-shuban

Recommended Posts

Deeq A.   
2-28.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxa ku soo xirmay shir ku saabsan Nabadaynta Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Ugaas Saleebaan oo dhowaan halkaas dirir ku dhexmartay.

Labada beelood ayaa heshiis hordhac ah ka gaarey colaaddii dhexmartay, kadib markii Odayaasha dhaqanka labada dhinac iyo mas’uuliyinta dowladda Puntland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xallinta arrimihii lagu muransanaa.

Munaasabada soo xiritaanka shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirada Amniga, Cafimaadka, Howlaha Guud, Tamarta Biyaha iyo Macdanta, Wasiirdowlaha wasaaradda arrimaha Gudaha, Wasiirdowlaha wasaaradda Dakadaha, Guddoomiyaaasha Gobollada Bari, karkaar, Xildhibaano, isimo Guddoomiyaha Degmada qardho, Maamulka Degmada Iskushuban, culimo, Saraakiisha laamaha amaanka iyo labadii dhinac ee heshiiyay.

1-20.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-28.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6.jpg?resize=1000%2C692&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Heshiis Nabadeed oo laga gaaray Colaaddii degmada Isku-shuban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this