Deeq A. Posted February 18, 2021 Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya ugu baaqday in ay iska ilaaliyaan dibadd-baxyo lagu wado in Jimcaha ay ka dhacaan Muqdisho. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dibad-baxyadaasi ay ka dhalan karaan rabshado saameyn ku yeelan kara muwaadiniintooda. Musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore iclaamiyey dibadd-bax ay uga soo horjeedaan madaxweyne Farmaajo iyo dib u dhigista hanaanka doorashooyinka. Mareykanka ayaa xusay in isu soo baxan oo qabashadiisa ay diidan tahay dowladda ay ka dhalan karaan rabshado, wuxuuna muwaadiniintiisa kula taliyey in ay ka fogaadaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites