Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Reer Hargeysa Oo Sameeyay Bannaanbax

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Bulshaweynta xaafada Xero Awr ee magaalada Hargeysa, ee degmada Ibraahim Koodbuur ayaa sameeyay bannaanbax ay ku diidan yihiin baddelida saacadaha biyaha, taas oo wakaalada biyuhu dhawaan ku wargelisay bulshadu in ay iibsadaan.

Saacdan ayay sheegeen masuuliyiinta wakaallada biyaha ee magaalada Hargeysi in ay tahay mid cusub, islamarkaana ka duwan tii hore ugu xidhnayd dadka guryahaha, ahna mid cusub, qiimaheeduna dhan yahay 50$.

Dadweynahani ayaa u cawday Madaxweynaha Somaliland, kana codsaday inuu arrintani wax ka qabto ,

Maareeyaha wakaaladda biyaha magaalada Hargaysa, mudane Maxamed Cali Daarood ayaa ilaa hadda aan ka hadal cabashada bulshadu ka qabto baddelista saacadaha cusub, ee muranku ka taagan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this