Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo war kasoo saaray weerarkii hotel Afriik

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa si kulul waxaa ay u cambaareeysay weerarkii qarax ku billowday ee Maalin ka hor lagu qaaday hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso oo lagu doonayay in lagu wiiqo xasiloonida Soomaaliya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa eheladda dadkooda ku waayey fal-dambiyeedkan foosha xun. Waxaan soo kabasho deg-deg ah u rajeynaynaa kuwa ku dhaawacmay weerarka,” ayaa lagu yiri woraalka wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii lagu qaaday Hotelka Afriik ay ku dhinteen 9 qof oo afar kamid ah ay ahaayeen dableydii weerarka soo qaaday iyo 5 kale oo uu ugu caansanaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal xalay oo lagu Aasay magaalada Guriceel.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Hotelka Afriik, iyada oo shaacisay in bartilmaameedka weerarkooda uu ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this