Sign in to follow this  
Deeq A.

QATAR Oo Dawladda Soomaaliya U Dirtay Dalab La Xidhiidha Askarta Soomaalida Ee La Geeyey Dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Qatar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag kaga hadashay arrinta ku aadan dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda lagaga qaaday in la geynayo Qatar.

Qoraalka ka soo baxay Qatar ayaa waxaa dowladaha Soomaaliya iyo Eritrera looga dalbaday inay baadhitaan dhab ah ku sameeyaan arrintaasi.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay cambaareyneyso tallaabooyinka noocaan oo kale oo lagaga been abuuranayo xukuumadda Dooxa.

“Waan cambaareyneynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar, si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah,”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku daray “Nasiib darro kooxaha nugul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo deganaansho ah,”.

Ugu dambeyn xukuumadda Dooxa ayaa sheegtay in si looga horetago dhibaatooyinka ay xarumo gaar ah ka hir-gelisay dalalka ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah.

“Si looga hortago arrintan Qatar waxay ka hirgelisay dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu biyo dal ku galka, waana tallaabo looga gaashaamanayo in ay aqbalaan dalabyada been abuurka ah,” ayaa markale lagu yidhi.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu walaac xooggan soo wajahay waalidiinta Soomaali ee carruurtooda loo qaaday wadanka Eritrea, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la dagaal-geliyey, lana geeyey gobolka Tigray ee Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this