Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ka tacsiyeeyey Geeridii ku timid Suldaan Carab Duur

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyeeynaya geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur ( Carab-Duur ) oo caawa ku geeriyooday Garoowe.

AHUN Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur (Carabduur) ayaa ka mid ahaa Aasaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay Nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Marxuumka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

DHAMMAAD

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this