Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Ilyaas oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadista Guddoomiyaha Hey’adda Kheyraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Ilyaas Xasan oo ka tirsan golaha aqalka sare ahna guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista Ibraahim oo ah guddoomiyaha hey’adda kheyraadka.

Gudoomiyaha gudddiga kheyraadka dabiiciga ah Ee Golaha aqalka sare Senator Ilyaas Cali Xasan oo goordhawayd la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aan waddo sharci ah loo marin xil ka qaadista gudoomiyaha hey’adda kheyraadka Soomaaliyeed Oo shalay xilka ka qaadeen Golaha wasiiradda .

Golaha wasiiradda ayaa shalay xilka ka qaaday Gudoomiye ibraahim Cali Xasan iyaga oo ku bedelay Cabdinaasir Cali Aadan kadib soo jeedinta wasaaradda batroolka ee DFS sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Maxamed ibrahim macalimuu.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this