Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay duleedka Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Ragg hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaan ka tirsan magaalada Mandera ee dalka Kenya, isla markaana burburiyey Anteeno is-gaarsiineed oo ku taala deegaanka Sarmaan ee magaaladaasi.

Weerarkan ayaa noqoneysa kii ugu dambeysay ee Al-Shabaab ay ku qaadaan gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya oo xad la leh Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubeysan oo tiradooda ay ku qiyaaseen 50 dagaalyahan ay soo mareen halkaasi ka hor inta aysan weerarka geysan.

Gudoomiyaha Mandera Cali Roba ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaan xadka Soomaaliya ka fog ama u jira masaafo dhan 200 oo KM.

“Xaalada ammaan ee Mandera ayaa noqoneysa mid sii xumaaneysa Anteeno kale oo xaga is-gaarsiinta ah ayey markale Al-Shabaab burburiyeen,” ayuu yiri  Cali Roba.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Sarman oo ka tirsan Mandera, marka laga tago Anteenada ay burburiyeen.

Al-Shabaab ay todobaadyaddii la soo dhaafay kordhiyey weerarada ay ka geystaan Waqooyiga Bari ee Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this