Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo amray dhaqan-gelinta go’aanadii laga soo saaray sicir bararka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku raacay in uu dhaqan galo Talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ee uu Guddoomiyaha u ahaa Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.

Qodobada Gudigu soo saareen waxaa ka mid ah

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.

2: In mushaarka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.

4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.

6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.

7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.

8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this