Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM uu ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerer ku qaadeen fariisin ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacad ka badan, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi & weerarka xigay intaba.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this