Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howl-gallo qorsheysan ka sameeyey Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka sameeyey gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey duleedka deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 16-aad ee kumaandooska Danab Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur (Beer-yare) ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku burburiyeen gaari lagu diyaarinayey walxaha qarxa, wuxuuna tilmaamay inay heleen xogtiisa, kadibna ay ka hortageen

Sidoo kale  wuxuu intaasi ku daray inay nolosha ku soo qabteen saddex ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this