Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo xoogan oo ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo xalay saq-dhexe dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Qaraxyada oo si weyn looga maqlay deegaanka Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa la sheegay in lagu burburiyey Ceel Biyood ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay labo qarax ku xireen Ceel-kaasi kadibna ay ku qarxiyeen, isaga oo gabi ahaanba burburay.

Ceel Biyoodka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa dadka deegaanadaasi, maadaama ay u badan yihiin Xoolo dhaqato.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag oo Biyo la’aaneed, maadaama Ceel Biyoodkii ay isticmaali jireen la qarxiyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this