Deeq A. Posted January 2, 2021 Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in ay maanta dil ka geysteen gudaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay mid ka mid ah nabadoonada ku dhaqan degmadaasi oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Isaaq (Malaaq Gambar). Marxuumka oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa si weyn looga yaqaanay guud ahaan gobolka Baay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey toogashadaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Lamaga oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka nabadoonkan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey baaritaano kooban. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka geysta deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites