Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar ficil oo naxariis leh oo sanadkan 2020 soo jiitay dunida

Recommended Posts

Deeq A.   

Ficilladii naxariista lahaa ee sanadkan farxad geliyay dunida

Four acts of kindness that won cheer in 2020
Afar ficil oo naxariis leh oo sanadkan 2020 soo jiitay dunida

Covid-19 ayaa sanadkan qabsaday warbaahinta dunida, iyadoo dadku ay ka dhergeen wararka wax ka qabashada fayraska, xayiraadaha iyo xannibaadaha safarka. Balse waxaa jiray xilliyo soo maray baraha bulshada Hindiya kuwaas oo farxad geliyay dadka, sida uu warbixintan ku soo gudbinayo weriyaha BBC-da Andrew Clarance.

Waa kuwan afar ficil oo naxariis leh oo sanadkan 2020 qaboojiyay wadnaha dadka.

‘Maalinteyda ayaad wanaajisay’

Hindiya waxay 25-kii March ku dhawaaqday xayiraad si wax looga qabto faafitaanka xanuunka Covid-19. Dad badan ayaa ku xannibmay guryahooda, gaar ahaan dadka da’da ah ee dareemay kelinimo iyo inay ka go’doomeen qoysaskooda yo asxaabtooda.

Sidaas darteed, Karan Puri, oo ah nin da’ ah oo ku nool Panchkula, oo ah magaalo ku taalla gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Haryana, ayaa dareemay farxad kaddib markii ay booliisku bishii April si kedis ah ugu tageen gurigiisa.

Muuqaal aad la iskula wadaagay, ayaa laga arki karay Mr Puri oo ku sii jeeda albaabka, isagoo leh, “Waxaan ahay Karan Puri, keligey ayaan noolahay waxaana ahay muwaadin.”

Balse wixii xigay ee dhacay ayaa taabtay qalbigiisa. Iyadoo ay booliisku ku dhawaaqayaan “dhalasho farxad leh”, Mr Puri ayaa aad ula yaabay wuxuuna weydiiyay sida ay ku ogaadeen. Wuu ilmeeyay wuxuuna booliiska u sheegay in carruurtiisu ay dibadda ku maqan yihiin uuna dareemayay cidlo.

Saraakiisha ayaa kaddib ku yiri “waxaan nahay sida qoyskaaga” sidoo kalena “ma aha inaad cidlo dareentid”. Waxay soo saareen doolsho qof walbana wuxuu bilaabay inuu sacbiyo oo uu heeso mar kale.

Muuqaalkan cajiibka ah ee lagu wadaagay baraha bulshada ayay saraakiishaasi ku muteysteen ammaan.

Muuqaalkii badbaadiyay maqaayad yar

Waxay ka bilaabatay muuqaal kaa ilmeysiinaya oo qof ka faallooda cuntada uu soo dhigay barta Instagram.

Muuqaalka ayaa muujinaya Kanta Prasad, oo 80 jir ah, oo barooranaya isagoo sheegay in ganacsigiisii iyo cuntadii uu waddada ku iibin jiray ay soo afjarantay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah.

Cuntada waddooyinka lagu iibiyo oo caan ka ah Hindiya, ayaa waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay coronavirus, iyadoo ganacsiyo badan albaabbada loo laabay.

Mr Prasad iyo xaaskiisa, Badami Devi, ayaa maqaayaddooda Baba ka dhaba, ee ku taalla Malviya Nagarka ee koofurta Delhi ka ganacsan jiray tan iyo sanadkii 1990.

Mr Kanta Prasad and his wife Devi
Caawinaad ayuu helay Mr Prasad kaddib markii uu faafay muuqaalka

Muuqaalka baahay, wuxuu muujinayaa Mr Prasad oo sharraxaya cuntooyinkii ay maalintaas sameeyeen. Markii la su’aalay lacagta uu maalintaas helay, wuxuu yiri “wax aad u yar” wuuna ooyay.

Ninkan cuntada ka faallooda, oo lagu magacaabo Gaurav Wasan, ayaa horraantii October muuqaalka ku wadaagay barta Instagram. Si deg deg ah ayuu u baahay, wuxuuna gaaray Twitter-ka. Haweeney soo wadaagtay ayaa sheegtay “gebi ahaanba uu qalbiga ka jebiyay muuqaalkaas” waxayna dadka Delhi ku boorrisay inay booqdaan Baba ka Dhaba ayna caawiyaan Mr Prasad iyo xaaskiisa.

Codsiga haweeneyda ayaa la ajiibay iyadoo dad aad u badan ay gaareen maqaayadda yar saacado kaddib markii la baahiyay muuqaalka.

This video completely broke my heart. Dilli waalon please please go eat at बाबा का ढाबा in Malviya Nagar if you get a chance 😢💔 #SupportLocal pic.twitter.com/5B6yEh3k2H

— Vasundhara Tankha Sharma (@VasundharaTankh) October 7, 2020

Qoraalka haweeneyda waxaa arkay xiddigo caan ah – oo ka tirsan Bollywood-ka iyo cayaartoyda kubbadda gacanta – iyo dadka caadiga ah. Muuqaalka waxaa haatan la daawaday ku dhowaad shan milyar oo jeer.

Dad ku kala nool daafaha dunida ayaa soo caawiyay lammaanaha da’da ah. Balse sheekada ayaa dhan kale isu rogtay markii Mr Prasad uu ku eedeeyay Mr Wasan inuu si xun u istcimaalay lacagtii magaciisa lagu helay. Wasan ayaa beeniyay arrintaas.

Mr Prasad ayaa sidoo kale dacwad u gudbiyay booliiska. Balse waxay haatan u muuqataa inay arrintaasi ka heshiiyeen. Mr Prasad ayaa la sheegay inuu u mahadceliyay Mr Wasan kaddib markii uu dhowaan furtay maqaayad cusub, Wasan ayaana kheyr u rajeeyay.

grey_new

Dhaqtarkii Covid ee qoob ka cayaarkiisu uu dunida qabsaday

Arup Senapati ayaa bishii April ahaa dhaqtar daweeya xanuunka Covid oo ku nool gobolka waqooyi-bari Hindiya ku yaalla ee Assam.

Iyadoo dadka qaba xanuunka ay buux dhaafinayeen isbitaallada, shaqaalaha caafimaadka iyo dhaqaatiirta isaga la midka ah ayaa ku qasbanaaday inay saacado dheer shaqeeyaan, taas oo sababtay inay maskax ahaan iyo jir ahaanba la kulmaan daal.

Balse Dr Senapati ayaa la yimid qaab farxad gelin kara naftiisa isagoo ku guda jira shaqadiisa daweynta bukaannada Covid-19. Waxay sidoo kale noqotay wax uu jecel yahay inuu mar walba sameeyo – waana inuu qoob ka cayaar ku sameeyo heesaha Bollywood-ka.

 

Mid ka mid ah dhaqaatiirta ay isla shaqeeyaan ayaa bishii October muuqaal ka duubay qoob ka cayaarka dhaqtarka, isagoo ku wadaagay barta Twitter-ka, muuqaalkaas oo si degdeg ah u baahay. Waxaa sidoo kale la daawaday in ka badan 5.7 milyan oo jeer.

Xiddigga Bollywood-ka Hrithik Roshan, oo caan ku ah qoob ka cayaarka ayaa ammaanay Dr Senapati, oo uu sheegay inuu sameeyay ficil naxariis leh oo uu kaga qoslinayo bukaannadiisa. Balse dhaqtarka wuxuu sheegay inuusan weligiis ku fekerin in muuqaalkiisa uu gaari doono dad aad u badan!

Bukaankii qoob ka cayaarka sameysay markii ay ka bogsatay Covid

Markii Snehal Satpute ay ku laabatay gurigeeda kaddib markii ay ka bogsatay Covid-19, ma aysan fileyn soo dhoweyntii loo sameeyay.

Muuqaal aad la iskula wadaagay bishii July, ayaa waxaa laga arki karaa walaasheed ka weyn oo 23 jir ah oo qoob ka cayaar ku sameyneysa waddada gurigooda bannaankiisa si ay usoo dhoweyso walaalsheed. Snehal ayaa ku biirtay qoob ka cayaarka iyadoo dhammaan xubnaha kale ee qoyskuna ay ka qeyb qaateen.

Saloni ayaa wargeyska Pune Mirror newspaperu sheegtay inay dooneysay inay “farriin u dirto deriskeeda oo faquuqay kaddib markii shan ka tirsan qoyskeeda laga helay xanuunka”.

Just Loved the #SistersDuet!❤
A worthy welcome of Elder Sis, returned after defeating #CoronaVirus.

No Pandemic can reduce a nanometer of smile, of any family that cherishes such Warmth, Love & Energy. pic.twitter.com/cTkUGT8RPw

— Dipanshu Kabra (@ipskabra) July 19, 2020

Hindiya, waxaa caan ka noqotay takoorka lagula kaco dadka uu ku dhaco Covid markii ugu horreysay ee uu gaaray xanuunka safmarka ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this