Deeq A. Posted December 28, 2020 Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhaw gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay. Mahdi Maxamed Guuleed waxaa ka wehlinayay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Duube ,wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xubno kale. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites