Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo go’aanno culus ka soo saaray diidmada shilinka Soomaaliga

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay dibad-bax shalay ka dhacay magaalada Garowe, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa qorshe siyaasadeed oo lagu suurad xumaynayay amniga guud ee deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in mudaharaadkaas lagu soo beegay xilli ay Garowe imaanayeen madax kala duwan oo ka socota dowladda federalka iyo siyaasiyiin, kuwaas oo ka qeyb galaya shir ahmiyad weyn xambaarsan oo Garowe loogu doortay amniga ka jira.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay tallaabo ka qaadayaan shakhsiyaadka soo abaabulay banaanbaxaas oo uu sheegay in lagu burburiyay hanti dowladeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale  soo saaray go’aanno culus oo wax looga qabanayo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah, isagoo amar ku bixiyay in maamulka 10% uu lacagta shilin Soomaaliga ah ku qaadi doono canshuurta ilaha dakhliga.

Ugu dambeyn wuxuu amray shirkadaha is-gaarsiinta in lacagaha taleefoonada la iskuugu diro lagu jaangooyo in wax ka yar toban dollar aan la isku diri karin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this