Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Itoobiya Oo Sheegay Inay Dileen 42 Qof Oo Ku Lug Lahaa 100 Qof Oo Lagu Xasuuqay Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Milatariga dalka Ethiopia ayaa sheegay inay dileen 42 nin oo xubaysan oo ka qaybqaatay xasuuq ka dhacay gobolka Benishangul ee ku yeela galbeedka dalka Ethiopia, sida ay ku warantay Fana TV oo dawladu ay gacanta ku hayso.

Maalintii Arbacadii ayaa guddida xuquuqda aadamaha ee dalka Ethiopia waxa ay sheegeen in dablay hubaysan ay dileen 100 qof weerar ka dhacay Bekoji, Benishangul-Gumuz.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo hadlay xili hore oo maanta ah ayaa sheegay in ciidamo la geeyey gobolkaasi, halkaas oo inta badan ay ka dhacaan weeraro qoomiyadu ku salaysan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this