Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ku eedaysan saaxirnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay dil toogasho ah ku fuliyeen nin lagu helay danbi saaxirnimo ah.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku toogatay Maxamed Sidiiq Xuseen oo ka tirsanaa dadka degaankaas kadib markii Al-shabaab sheegtay in uu qirtay danbi saaxirnimo.

Shacabka degaanka oo ay ku jiraan Haween iyo carruur ayaa lagu amray in ay u soo daawasho tagaan xukunka lagu fulinayay ninkaas.

Waxa xusid mudan in aysan jirin caddaymo Al-shabaab soo bandhigtay oo muujinaya in marxuumka la toogtay uu danbigaas galay.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ku eedaysan saaxirnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this