Sign in to follow this  
Liqaye

Wiilasha soomaalidaQaarkood oo ku soo biiray liiska is marinta daawadda la isku Cadee

Recommended Posts

Liqaye   

Qiimeeynta Qubanaha Jimcaha iyo Dayniile

Nairobi

 

:eek: :eek: :eek: :eek:

 

Wiilasha soomaalida Qaarkood oo ku soo biiray liiska is marinta daawadda la isku Cadeeyo oo dumarka ay caan ku ahaayeen,

 

Gabdhaha soomaalida ayaa caan ku ahaa is marinta dawooyinka la isku cadeeyo oo ay si weyn dhibaato ugu geesteen jirkoodda,hasse ahaatee hadda waxaa soo ifbaxayo wiilal farabadan oo iyagana is marinayo dawooyinkaas si ay u hellaan midabka cadaanta ,

 

Wargeyska The Star oo ka soo baxo dalka Kenya ayaa qoray maqaal uu ugu magacdaray ,

 

Gabdhaha soomaalida dawooyimka ay marsadaan oo ay kalla kulmeen kharash beel iyo Qurux beel,halkii ay ka raadinayeen bilicda cad ee quruxda la biddo,

 

Magaaladda Nairobi ayaa Noqotay meesha uga badan ee gabdhaha soomaaliya ee afrika ku sugan isku mariyaan dawooyinkaas la isku cadeeyo,waxaana magaaladda Nairobi ku soo badanayo gabdhaha Quruxdoonka ahaa ee kharash la,aanta aawgeed markii dambe midabkoodda is badalay,

 

Wiilasha soomaalida ISLII ayaa billahii ugu dambeeyay iyagoo marsaday dawooyinkaas la isku cadeeyo,taas oo noqotay mid naxdin geliso dhalinyarada kale,

 

 

Saameeynta dabeecadda iyo dhaqanka qofka maxaad ka taqaan?

 

Culimada ku xeel dheer cilmi nafsiga ayaa sida ay qortay jariidadda news week cadadkeedii soo baxay bishii oktoobaer, ee sandkaan waxey daraasad dheer ku sameeyeen, bal sid ay isu sameeyaan dabeecadda iyo dhaqanka qofka iyo sida uu isu dhigo ama u seexdo, marka uu jiifka bilaabayo.

Culimada ayaa daraasadooda waxey ku sheegen, in ay kala duwan tahay qaabka qofku uu u jiifsado, sidasi darteedna ay taasi si weyn ula xiriirto dhaqankiisa guud.

Ugu horeyntiiba waxey daraasadu xustay, in qofka u seexda dhacadiidka uu yahay qof had iyo jeer feker badan oo mashquul ka ah dhinaca maskaxda, isl amrkaasna dabeecad ahan kulul, caraduna ay ka dhow dahay, dadkaan ayaa lagu shegay inay yihiin kuwa sida adka ah u badsada cabista sigaarka.

Waxeyna daraasaadu intasi ku dartay, in dadka noocasi ah uu badanaba haleelaan cudurada soo dugaashada caradda, ama xanaaqa oo uu ka midka yahay cudurka maskxada daalka ku rida, markasna jirka ka hor istaagga waxyaabo horuumar ah oo uu sameyn lahaa.

Sidasi ookale ayey warbixintu xusta,y in qofka dhinaca u seexda marka ugu horeysa oo uu taggo gobtiisa jiifka, uu yahay qof aad u dabeecad wanaagsan isla markaasna, aad u samir badan, waxeyna warbixintu xustay in qofka noocaasi ah ay u badan tahay in uu ka mabad dgallo cudurada ay ka mid ka yihiin welwelka, Deprassion-ka, oo soomalidu u taaqano BUUFISKA, iyo wixii la halmaala.

Waxaase iintaas dheer in oo warbixintu ku sii dartay, in qofka dhinaca jiifka ka bilaaba uu yahay qofka uu sida aadka ah u taabto jaceylka nooca ay isku qaadan lamaanaha uu damac ka galo in ay nolosha qaybsadaan.

Warbxinta oo waxyaabo badan ka kooneyd ayaa misna u dhaadhacday qofka u seexda beerka, waxeyna sheegtay in uu yahay qofkaasi qofka uu caajisku guri ka yeeshay, oo waxeyna intaasi ku dartay , qofka beerka u jiifsadahi in uu yahay qof aan shaqadana ku wanaagsaneyn, amaba xitaa an dhowri karin wacadka iyowaxyabaha kale oo xiriirka biuna’aadambka la xiriira.

Ugu dambeyntii ayeey warbxintu shegtay in qofka beerka u jiifsadahi uu yahay qof ka ugu cafimaadka badan daka wayoo bey tiri warbxintu waxa uu had iyo gooraale cunaa cunno aad u yar oo aan badneyd.

 

Dadka Qaba cudurka buufiska ee dhoofka dibadaha oo qaarkood u Geeriyooday Qaarna la ildaran yihiin,

 

Ugu yaraan 3 qof ayaa u geeriyootay 2 kalana waa ay la liitaan cudurka buufiska kadib markii dhawaan GVA da mareykanka ay dadkaas dhoof sugayaasha ah u jartay go back to home,3 ruux oo ah itoobiyaan ayaa cabay sun kadib markii ay qaadeen cudurka buufiska ee dhinaca maskaxda ,iyagoo mudo toban sano ka badan ku sugnaa dalka Kenya si ay uga dhoofaan,

 

Ugu yaraan dhoowr boqol oo soomaali ah ayaa qaaday cudurkaas Qatarta ah ee buufiska maskaxda kuwaas oo xaafadda Islii ku gaafwareegayo iaygoo doon doon ama baadi goob ugu jiro muqalisiin ama dalaalo u dhameeyo leeyman bug ah ,

 

Ugu yaraan 13 sano ayaa dadka qaarkiis dalka Kenya u joogaan siddii ay dibadda uga sii bixi lahaayeen hasse ahaatee durbadiiba waxay halkaas qaarkood ku qaadeen cudurka waalidda waxadna arkeeysaa dhalinyaradda gabdhaha iyo wiilalka oo isku mid wadooyinka ugu cunayo qaadka miiroowga looga yaqaan dalka Kenya,

 

Qaarkood ayaa caba qamrigga iyo xashiishadda iyagoo ku andacoonayo inay balwadaas ku barteen sidda ay fikirka uga gudbi lahaayeen,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhimbil   

I heard about metrosexuals in western cultures, usually pple in the entertainment industry, but not somalis :eek:

 

walahi somalis are not surprising me these days, anything is possible.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol..War Cusub...

Whats next..Didn't micheal jackson

teach a lesson to dark skinned males.

damn, don't they see mike'jacko looking like

female from planet of the apes?

apes.jpg

So un-natural,is just so un-neccasary..

2-2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this