Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo wax ka qabaneyso amniga jidka Muqdisho & Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka maamulka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulan looga hadlayey ammaanka oo uu madaxweynaha maamulkaasi Cali Guudlaawe la yeeshay saraakiisha ammaanka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Daa’uud ayaa sheegay in kulankaasi diirada lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga maamulkaasi oo deegaanada qaar ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saraakiishu ay ballan qaadeen inay ka shaqeyn doonaan ammaanka waddada dheer e xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii dambe uu isa soo tarayey walaaca laga muujinayo amniga wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho & Jowhar oo ay inta badan weeraro dhaba-gal ah ay ku fuliyaan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this