Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo gantaallo ku ganay diyaarad ay leedahay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta lid-ka diyaaradaha waxa ay ku rdieen diyaarad milatari oo ay leedahay Kenya, taas oo ku soo xad-gudubtay hawada Sooomaaliya.

Illaa iyo saddex gantaal ayaa lagu soo warramayaa in lagu tuuray diyaaraddaaas oo la sheegay in ay Sawiraneysay xarumaha ciidanka Xoogga dalka ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo, gaar ahaan agagaarka xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay si dirqi ah ku baxsatay, kadibna ay dib ugu laabatay dalka Kenya oo markii hore ay ka soo kacday.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada xadka labada dal, iyada oo xiisada ay ka sii dartay markii ay Soomaaliya xiriirkii u jartay Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this