Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo dacwad culus ka gudbineyo hay’adda cilmi baarista SAHAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somalia, Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu soo gaba-gabeeyey baarista gal-dacwadeedka loo heysto hay’adda cilmi baarista ee Sahan.

Qoraal kooban oo uu xer ilaaliyaha soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay inay soo dhameystireen macluumaadka dacwadda loo heysto hay’addaasi.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay dhawaan u gudbin doonaan maxkamadda gobolka Banaadir, si ay uga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

xer.jpgXeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa intaasi ku sii daray in aysan marnaba u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo qaranimada iyo sharafka dalkeena Soomaaliya.

Sahan Research oo ah hay’ad caalami ah ayaa waxaa horey dalka uga mamnuucay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyada oo loo soo jeediyey eedeymo ay ka mid yihiin:-fal danbiyeedyao liddi ku ah qaranimada Soomaaliya, faragalinta siyaasadda, cuuryaaminta haylkalka dowladdnimo, faafinta siraha amniga dalka iyo eedeymo kale oo aad u culus.

Si kastaba waxaa hay’adan iska leh ninka lagu magacaabo, Matt Bryden oo madax ka soo noqday kooxda UN Monitoring Group ee wadamada Soomaaliya iyo Eritrea.

The post DF oo dacwad culus ka gudbineyo hay'adda cilmi baarista SAHAN first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this