Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diraysa Markab nooca dagaalka ah, kaas oo ka qayb-qaadanaya Hawlgalka daad-guraynta ah ee Ciidamada Maraykanka looga saarayo gudaha Soomaaliya.

Markabkaas oo kuwa diyaaradaha Xambaara ah, waxaa lagu magacaaba USS Hershel ‘Woods’ Williams, waxaana uu todobaadyada soo socda bilaabi doonaan daadguraynta Ciidamada ku sugan Soomaaliya.

Maraykanka waxa Soomaaliya ka jooga in ka badan 700 oo askari, kuwaas oo fuliya La-dagaallanka Argagixisada iyo tababar-siinta Ciidamada Soomaaliya, balse Madaxweyne Trump amar ku bixiyay in laga soo saaro Soomaaliya.

Kadib markii Ciidamada Maraykanku ka baxaan Soomaaliya, waxa sii joogi doona qayb kooban oo qaabilsan fulinta Hawlgallada ka dhanka ah Argagixisada iyo taageeridda Ciidamada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this