Deeq A. Posted December 17, 2020 Caabudwaaq (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ku sugan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay dhisi doonto garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Caabudwaaq ka sheegay in $200,000 (Labo boqol oo kun oo Dollar) ay xukuumaddu ku bixineyso dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq. Bulshada reer Caabudwaaq ayaa horay si isxilqaan ah ugu dhistay 3-KM oo qeyb ka ah garoonka diyaaradaha magaalada ee hadda loo balan qaaday in lasii ballaarinayo. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo galabta booqday garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ayaa ku amaanay bulshada reer Caabudwaaq dadaalka ay ku dhisteen wajiga koowaad ee garoonka magaalada. “Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan qaaday in dowladdu kaalin hormuud ah ka qaadan doonto dhismaha garoonkan oo muhiimmad gaar ah u yeelanaya Caabudwaaq, Galmudug iyo Guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Caabudwaaq, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda faraca Jaamacadda iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug. The post R/W Rooble oo 0,000 u ballan qaaday Cabudwaaq first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites