Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda CQS oo xukun dil ah ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday rag ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah iyo Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaashaha Al-Shabaab iyo dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho ay qirteen in ay ka dambeeyeen dilalka marxuumiinta kala ah.

1-Saddex Alifle dowladda hoose, Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo lagu dilay suuq Boocle, degmada Dharkeynley,taariikhdu markey aheyd 12-10-2019.

2-Dable xoogga, Cali Cabdulle Maxamed oo lagu dilay suuqa Weyn, degmada Wadajir taariikhdu markey aheyd 13-11-2019, iyadoo ciidamada amnigu qabteen dilka marxuumkan kaddib.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this