Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howl-gallo ka sameeyey gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adaha ammaanka DFS ayaa howlgal ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Gedo si ay uga jawaabaan weeraro habeennadii lasoo dhaafay ka dhacay gobolkaasi.

Askarta ayaa si gaar ah uga howl-gashay deegaanno hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay ka soo qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay qayb ka yihiin Al-Shabaab.

Taliyaha Nabad-sugida degmada Luuq ee gobolka Gedo Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa sugidda amniga degmada & deegaannada kale ee hoostaga si wax looga qabto falalka ammaanka liddiga ku ah.

Magaalada Garbahaarey ayaa waxa sidoo kale ka dhacay howlgal lagu qabtay shaqsiyaad la tuhmayo in ay ka tirsan yihiin  Al-Shabaab, inkasta oo qaarkood la sii daayay kadib markii ay mareen baaris kooban.

Xarunta gobolka Gedo waa fadhiga labaad ee loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada kuraasta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana gacanta ku haya ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya & askar kale oo horay looga qaaday M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this