Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka dhalan kara go’aanka ay Soomaaliya xiriirkii ugu jartay Kenya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay saq-dhexe ku dhawaaqday inay gabi ahaan xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya, iyada oo amartay in todobaad gudihiisa ay diblumaasiyiinta dalkaasi uga baxaaan Soomaaliya.

Haddabada maxaa ka dhalan kara go’aanka ay Soomaaliya xiriirkii ugu jartay Kenya?

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka falan-qeeye arrimaha gobolka, islamarkaana u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey go’aanka ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale waxa ka dhalan kara.

Ugu horreyn Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka ah, islamarkaana ay xiriirkii ugu jartay Kenya.

Samatar ayaa shaaca ka qaaday in arrinta dhacday aysan ka imaan doonin wax guul ah, islamarkaana loo baahnaa in caqliga & cilmiga la maalo, sida uu hadalka u dhigay.

“Nasiib darro ayey ila tahay in maanta Kenya iyo Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasiyadeed ay jabiyaan oo dowladda Soomaaliduna ay arrintaasi billowday wax guul ah oo ka imaan doonana aniga runtii ma arkayo, marka caqliga iyo cilmiga la maalo waaye marka waa ayaan darro weeye arrinta socota.” ayuu yiri Professor Samatar.

Sidoo kale waxa uu iftiimiyey waxa ka dhalan kara go’aankan, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan xilligan u diyaarsaneyn dagaal milatari iyo mid siyaasadeed, wuxuuna intaasi ku daray in wax dan ah aysan ugu jirin arrintan.

“Wadan haddii uu doonayo inuu gaashaan sameysto, isaga gaashaanku labo arrin ayuu noqon karaa ama waa in mid ciidan uu noqdaa ama mid siyaasadeed. Maanta waxaa weeye Soomaali ciidan ma heysato, barnaamij siyaasadeed oo dadkeedii dhami isku ogol yihiin oo dowlad ay ku daba-socdaana ma jirto, marka waxaa weeyaan wax Soomaali dhibaato u keena mooyaane wax weyn lagama dheefi doono arrintan iminka meesha ka dhacday.” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in kaliya Kenya looga guuleysan karo in dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay midoobaan, si loo helo isku duubni.

“Haddii la doonayo in Kenya la’iska caabiyo horta dadkaada isku duub marka ugu horreysa, marka labaadna ka dhaadhici siyaasiyiinta iyo wixii la caala maala in meel loo wada maro,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey, Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo meeshii ugu xumaa uu gaaray khilaaafka xoogan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo horey u kala rartay safaaradaha.

The post Maxaa ka dhalan kara go'aanka ay Soomaaliya xiriirkii ugu jartay Kenya? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this