Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wada Hadleen Uhuru iyo Biixi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta xarunta aqalka madaxtooyada ee dalkaasi kulan gaar ah kula qaatay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Kenya oo lagu faahfaahiyey wixii looga hadlay kulan ayaa lagu yiri “Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa uu maanta madaxtooyada ku martiqaaday kulan looga hadlay xiriirka Kenya iyo wafdiga booqashada ku joogay ee Somaliland ee uu horkacayey madaxweyne Muuse Biixi”.

Qoraalka oo sii socday” Inta uu lagu jiray kulanka labada hoggaamiye waxaa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ah danaha Kenya iyo Somaliland. Labada dhinac ayaa mar kale berri kulmi doona oo talaado ah 15-ka December 2020, si loo dhameystiro”.

Muuse Biixi oo ah madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu Nairobi tagay axadii, xilli uu aad u xun yahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this