Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada oo lagu dilay Jilib+magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga, gaar ahaan kuwa Danab ayaa markale howl-gallo qorsheysan ka fuliyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Howl-gallada oo ay bar-bar socden duqeymo ayaa waxaa lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku dileen saraakiil Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada, gaar ahaan jaakadaha qaraxyada iyo suumamka laysku xiro.

Magacyada saraakiisha la dilay ayaa waxaa lagu kala sheegay Muxsin Caliyow oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo Maxamed Sheekh oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay Al-Shabaab u adeegsadaan is-qarxinta iyo labo sarkaal oo kale, sida lagu sheegay warka ka soo baxay saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in u jeedka duqeymaha iyo howl-gallada ka socda Jubbooyinka ay tahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey degmada Jilib lagu dilay ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

The post Saraakiil Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada oo lagu dilay Jilib+magacyada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this