Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo madaxda IGAD uga dacwootay Kenya iyo go’aan ka soo baxay IGAD

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamdook.

Ra’iisul wasaare Xamdook waxa uu xubin sare ka yahay urur goboleedka IGAD oo ay ku wada jiraan Soomaaliya iyo Kenya oo haatan wajaha khilaaf marba marka ka dambeysa ka sii daraya oo dublumaasiyadeed.

Lama soo bandhigin nooca loo dhigay dacwada ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, balse wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa twitterkeeda ku baahisay qoraalkii loogu soo jawaab celiyey Soomaaliya, kaas oo tilmaamaya in madaxda IGAD la isugu balamiyey shir todobaad kadib ka furmaya Jabuuti.

“Iyada oo laga jawaabayo warqad ka dhan ah Kenya oo dowladda federaalka Soomaaliya ay u gudbisay H.E. Abdalla Hamdok, ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan iyo guddoomiyaha golaha IGAD ee madaxda dowladaha iyo dowlad goboleedyada, IGAD waxay shir madaxeed arrintaas ku saabsan 20-ka bishan ku qaba doontaa dalka Jabuuti” ayaa lagu yiri qoraalka.

In response to the Federal Government of #Somalia letter against #Kenya, which was submitted to H.E. Abdalla Hamdok, PM of the Republic of #Sudan & the Chair of the #IGAD Assembly of Heads of State and Government, the IGAD will hold a summit in #Djibouti on Dec 20 on this matter.

— Ministry of Foreign Affairs 🇸🇴 (@MofaSomalia) December 13, 2020

Arrintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi safar ku tegay Nairobi, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Isniinta berri ah ay kulmi doonaan, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

 

The post DF Soomaaliya oo madaxda IGAD uga dacwootay Kenya iyo go'aan ka soo baxay IGAD first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this