Deeq A. Posted December 12, 2020 Maxamed X. Rooble (bidix) iyo Siciid Deni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin ku leh Garowe, kaas oo ay uga wadahad layaan qaabka loo maamulayo doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Shirka waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Deni ku wehelinaya madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Wasriirka arrimaha dibada Maxamed Cabdirisaaq. Lama yaqaan waxa ka soo bixi doona kulan labada dhinac, iyadoo Xukumadda Rooble ay tahay waxa ugu weyn ee loo idmaday fulinta heshiislkii doorashada oo ay dhaqaajin la’dahay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirkii saaxiibbada Soomaaliya ee maalmo ka hor ka dhacay Muqdisho oo uu kaga qeybgalay habka Zoom ka sheegay in dowlada federaalku ku darsatay guddiga doorashooyinka xubno iyada ku dhowdhow. Guddiga doorashooyinka waxaa ku jira xubno uu macaabay madaxweyne Deni oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, kuwaas oo kala ah Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Cali Cabdulle Tima-cadde iyo Yaasmiin Maxamuud Xaamud oo kamid ah guddiga sare ee la-talinta Madaxweynaha. Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa shrikaas ku garab istaagay Jubbaland oo ku doodaysa in dowladda federaalku faragelisay gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland Puntland iyo Jubbaland ayaa weli soo magacaabin guddiyadii doorashooyin ee heer dowlad goboleed, xilli ay ahayd ee bishan December la doorto xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Deni oo shir uga socdo Garowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites