Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradda wax basaasta oo Hawada ku jirtay 65 sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradda wax basaasta ee hawada ku jirtay 65 sano

Diyaaradda U-2 waxaa loogu talagalay in howlgal qarsoodi ah ay kasoo sameyso deegaanadii ay gacanta ku hayeen militerigii USSR

Diyaaradda U-2 waxaa loogu talagalay in howlgal qarsoodi ah ay kasoo sameyso deegaanadii ay gacanta ku hayeen militerigii USSR

Diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Drones-ka iyo Sattelite-ka ayaa la doonayay in lagu baddalo diyaaradda caanka ah ee wax basaasta ee loo yaqaanno U-2 taas oo soo qabatay shaqo aysan qaban karin diyaaradaha kale ee caadiga ah.

Diyaaraddan U-2 oo haatan 65 jir ah ayaa loogu magac daray Lockheed, waana diyaarad u gaar ah ciidamada cirka ee Mareykanka- waana diyaaradda ugu adag marka ay timaaddo in la raaco, waxaana sidoo kale loo yaqaanaa “The Dragon Lady”

Diyaaradda U-2 waxay leedahay matoor xooggan iyo baalal fidsan, waxaana loogu talagalay inay duqeyso diyaaradaha kale ee maraya hawada sare in ka badan ilaa 21 kiiloomiitir.

Kelly Johnson, oo ahaa injineer u dhashay Mareykanka iyo kooxdiisa ayaa bilaabay howgal qarsoodi ah oo ay ku sameeyeen diyaaradda Lockheed U-2. Johnson iyo kooxdiisa waxay ahaayeen injineeradii ugu horreeyay ee diyaarad u sameeyo ciidamada cirka Mareykanka sanadkii 1943-dii, waxayna diyaaradda ku sameeyeen 143 maalmood.

Dabayaaqadii sanadkii 1954-kii, waxay injineeradaas isla meel dhigeen qorshe ku aadan sidii loo sameyn lahaa diyaarad wax basaasto.

Diyaaraddan waxay gaari kartaa 70,000 oo joogga hawada sare ah, waxayna qaadi kartaa qalab culeyskiisu yahay 212 Kiilo.

Waxaa markii ugu horreysay hawada loo diray 1-dii bishii Agoosto sanadkii 1955-tii, xilligaasoo ay ka kacday garoon ku yaalla deegaan miyi ah oo ka tirsan gobolka Nevada. Waxaa markaas caddaatay in Johnson iyo kooxdiisa ay la yimaadeen fikrad naadir ah oo dhaqan gashay.

Sheekada ku saabsan diyaaradda U-2 waa mid xiiso gaar ah leh. Sanadkii 1966-kii, 15 kamid ah 55-tii diyaaradood ee U-2 ayaa howl galayay, waxaana siddeetamaadkii dib loo bilaabay soo saarista diyaaradda. Waxay aheyd shaqo adag iyadoo xilliggaas injineeradii sameeyay diyaaradda ay badankood noqdeen howlgab.

Diyaaradda U-2
Diyaaradda U-2

Markii dib loo bilaabay soo saarista diyaaradda waxaa la sameeyay diyaarad lamid ah U-2 balse boqolkiiba 40 ay ka weyntahay diyaaraddii hore maadama la ballaariyay si ay wax badan u qaaddo, gaar ahaan qalabka iyo inay fulin karto howlgallo kala duwan.

Diyaaradda U-2 ee maanta jirta waxay ka awood badan tahay diyaaraddii noocii hore ee la sameeyay. Sanadihii sagaashamaadkii ayaa mar kale dib loo casriyeeyay diyaaradda, tallaabadaasi oo soo socotay ilaa maanta.

 

“Waxaa mar kasta la ii weydiya ayaa ah, maxay tahay sababta ay u qaban kari la’dahay waxa ay qabato diyaaradda U-2, markaa haatan waxay leedahay awood cajiib ah,” ayuu yiri Chris Pocock oo ahaan jiray weriye hore oo qaabilsanaa arrimaha duulimaadka, ahna qoraaga buug ka hadlaya diyaaradda U-2.

U-2 waxay horseedday in la adeegsado qalabka isgaarsiinta ee soo gudbiya macluumaadka sir-doonka ah ee gaarsiiya xarumaha dhulka ku yaalla, waxaana xogta laga soo laliyaa kumanaan Kiiloomiitir kaddibna loo soo gudbiyaa Sattelite-ka.

Diyaaradda U-2 waxay leedahay hal cillad, taas oo ah in aysan aheyn mid qarsoodi ah, waxay ka dhigan tahay in diyaaradda aysan marin hawada dalal kale iyadoo aanan laga warheyn.

U-2 waxaa dhawaan arkay militeriga Shiinaha iyadoo dul mareysa hawada badda koonfureed ee Shiinaha, halkaas oo ay militeriga dhoolatus ku sameynayeen.

Northrup Grumman, oo ah qandaraasle ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhawaan sameeyay diyaaradda Drones-ka oo si qarsoodi ah howl u fulin karto taas oo u eg diyaaradda nooca B-2 Bomber, dadka qaar waxay rumeysan yihiin in diyaaraddan ay baddali doonto U-2.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this